Gobolka geeska Afrika ayaa wajahaya waqti colaaddu sare martay , hal khalad oo dhacana gobolka wuxuu geli karaa dagaal, sabab la xiriirta hadallada adag iyo dhaqdhaqaaqyada isbahaysi ee ka socda gobolka, xaaladan oo xataa soo jiidatay dalal ka fog gobolka oo sirdoonkoodu maalinle u bixinayo warbixinno ay digniin ka buuxdo.
In ka badan 25 sanno kadib, hawada gobolka waxaa buuxiyay duulimaadyada ay la socdaan diblomaasiyiin iyo saraakiil sirdoon, taa oo ay barbar socdaan diyaaradaha xamuulka ah iyo maraakiibta lagu daabulayo hubka. Arrinta waxay salka ku haysa damaca Itoobiya ee inay gaarto badda cas iyo hadallada diblomaasiyadda ka maran ee ay is dhaafsanayaan Itoobiya iyo Ereteriya oo midba midka kale ku eedeynayo inuu wado isku diyaarin dagaal.
Xilli Itoobiya ay isku arkaysay inay xakameynayso xiisadan, waxaa soo baxday Masar oo hadda isku muujinaysa awoodda ka hortagaysa iskuday kasta oo itoobiya ay ku gaarayso badda cas. Masar si lama filaan ah waxay heshiisyo la gashay Jabuuti, waxayna isku diyaarinaysaa inay ciidankeeda badda geyso xeebaha Jabuuti, waxaana la adeegsanayaa sharciyad ah horumarinta dekedaha iyo iskaashiga difaac, waxaa ka horreyay Ereteriya, oo ay isku furanyihiin Masar, halkaana waxaa si deg deg ah leh uga furmay isbahaysi saddex-geesood ah oo ka dhan ah Itoobiya. Xaaladan waxay gelisay Itoobiya walaac siyaasadeed,kadib markii ay Masar bilowday dhaqdhaqaaqyo diblomaasi iyo ciidan oo ay la sameyneyso Jabuuti iyo Ereteriya, si loo sugo loona maamulo dekedaha ku yaalla labadaas dal, loona joojiyo in Itoobiya hesho marin cusub oo ay ku gaarto badda cas, ama ay ka samaysato deked iyada u gaar ah.
Walaacani wuxuu sare u kacay kadib hadallo uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdel-Aaty oo si cad u sheegay in maamulka iyo ammaanka badda cas ay tahay arrin gaar u ah dalalka xeebaha leh,isla markaana iyaga kaliya ay khusayso ilaalinteeda, xasilinteeda iyo ka shaqaynta in khayraadkeedu sii jiro.Arrintan waxay ku soo beegantay iyadoo ay jiraan khilaafaad xooggan oo u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa, gaar ahaan; muranka ka taagan biyo-xireenka GERD,xaaladda Soomaaliya,iyo amniga guud ee geeska Afrika.
Waxaas ayaa ku riixay Masar inay ka baxdo xudduudeeda, una dhaqaaqdo waxa loo arko marxalad qoto-dheer oo istaraatiiji ah oo ka baxsan dhulka Masar. Walaaca Itoobiya wuxuu soo bilowday bilo kahor, markii madaxweynaha Masar, Cabdifatax al-Sisi uu xaqiijiyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageerida madax-bannaanida Ereteriya, intii uu socday kulan uu la yeeshay madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, markaa oo Sisi uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay kordhiyaan iskaashiga iyo isu-duwidda si loo ilaaliyo ammaanka badda Cas.
Dhinaca kale, Jabuuti ayaa iyaduna noqotay goob dhaqdhaqaaq cusub oo Masar ay ka fulineyso mashaariic istaraatiiji ah. Labada dal waxay isku raaceen in Jabuuti laga hirgeliyo mashaariic badan oo tamar ah, iyo in la ballaariyo aagga konteenarrada ee dekedda Doraleh. Waxay Jabuuti martigelisaa 95% ganacsiga dhoofka iyo soo dejinta Itoobiya.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatada dalkiisa ka heysata inuu marin badeed helo ay tahay arrin aad u adag oo taabanaysa sharci, taariikh, juqraafi iyo dhaqaale. Wuxuu ku daray in Itoobiya ay si cad u aragto in Ereteriya ay si aan sharci ahayn gacanta ugu hayso dekedda Casab, oo ahayd deked ay Itoobiya lahayd ka hor intii aan Ereteriya ka go’in.
Abiy wuxuu tilmaamay in xalka mushkiladdan uu ka mid yahay danaha qaranka ee ugu sarreeya, gaar ahaan maadaama Itoobiya ay markii hore maamuli jirtay ku dhowaad 2,000 km oo ka mid ah xeebaha badda cas ,kahor kala go’a Ereteriya.
Xiisadan waxay soo jiidatay dhinacyo kale;
Itoobiya ayaa bixinaysa dadaal diblomaasiyadeed oo muuqda,waxaana gudaha Addis Ababa lagu daabulayaa tiknoolajiyada dagaal ee casriga ah, bilowgii hore way fududeed in loogu yeero waxa ay Itoobiya wado arrimo siyaasadeed oo maamulka Abiy ay isaga dejinayaan arrimaha ka jira gudaha Itoobiya, balse warbixinnada iyo walaaca uu la wadaagay xulafadiisa, sida Imaaraadka,Turkiga iyo xataa Israa’iil oo mar horaba billaabay dhaqaale iyo hub inay ku wareejiyaan Itoobiya, waxay wax walba gacantiisa ka saaraysa Abiy oo qorshaha sida fudud uu bannaanka ugu soo saaray ee gaarista badda ay hadda tahay mid leh xisaab istaraatiji ah oo dalal ka fog gobolka ay u arkaan inay dani ugu jirto.
Isku xirnaanta aan ka jirin gudaha Itoobiya, khilaafka maamullada gudaha, kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda maamulka Abiy ,intaba waxay dheereynayaan inuu Abiy bixiyo amarro degdeg ah oo dagaal oo filashada guusha ay sarreyso, balse dhinacyada hadda xiisadan ku lugta leh ee ka fog gobolka wax dan ah taa kama leh.
Ereteriya, ma aha dhankeeda mid fadhisa oo waxay hadda u dhaqmaysa si ka duwan xaalad kasta oo hore, saraakiisha Ereteriya waxay si maalin le ah u tagayaan Qaahira, halkaa oo Al-sisi uu sidoo kale isku dayayo inuu raadiyo xulafo cusub oo uu ku qanciyo in la difaaco Ereteriya haddii ay la kulanto duullaan uga yimaada Itoobiya.
Jabuuti oo si lama filaan ah xiisad ugu soo biirtay, waxay ka hortagaysa inay la kulanto xaalad aan laga falcelin karin, xilli aan si cad loo xaqiijin karin halka uu yahay bartilmaameedka Itoobiya iyo xulafada gadaal ka taagan oo doonaya Addis Ababa inay gaarto badda, waxayna Jabuuti dabool difaac ka raadisay Masar oo maalgashi ku sameynaysa dekedaha Jabuuti, si sharciyad loogu helo inay Qaahira joogitaan milatari ku yeelato xeebaha dalkaa oo lagu joojiyo iskuday kasta oo la xiriira damaca Itoobiya.
Xaggee ku maqantahay Soomaaliya?
Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer ee gobolka, waxay dhexda uga jirtaa khilaafka gudaha ee aan wax faa’iido ah u lahayn qaranimada, marka la tixraaco in Abiy dul taaganyahay khariirad ay ka muuqdaan dalalka ku teedsan badda ee gobolka, mana ku guuleysan wali inay Soomaaliya la timaado qorshayaal wax ka tari kara difaaca xeebaha iyo ka hortagga xaalad kasta oo gobolka uu geli doono, taa oo ka dhigaysa dalka ugu jilicsan ee colaadan, laga billaabo in Itoobiya ay u arki karto xeebaha Soomaaliya kuwa fudud illaa haddii dagaal uu gobolka galo inay Soomaaliya ka wajahayso saameyn dhaqaale iyo nololeed.
Sharciyada ah iyo xeerar caalamiga ah oo ah waxay ay isku haleeyaan dalalka jilicsan sida Soomaaliya, hadda waa kuwa lala tagay meel ka sarreysa dhulka oo la jeexjeexeyna, mana jurto dammaanad sharci oo waqtigan dunidda ay isku haleyso, awoodda iyo danaha markaa ayaa kala ka xeeyay dallara iskuna keena. Dagaalladii u dambeeyay ee dunidda iyo dhaqaaqyadii isbeddelka lahaa, tusaale ahaan Suuriya, waxay muujiyeen isbeddel jiho-siyaasadeed, iyadoo aan kor loo sheegin quwadaha Mareykanka ,Ruushka iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay isbeddel xukun oo dalkaa ka dhaca,muddo ay ku kala duwanaayeen arrimaha Suuriya, dhinacyadana mid kasta wuxuu qaatay danihiisa, tana waa xaalad meel kasta oo dunidda ah ka dhici karto, gaar ahaan inay Soomaaliya iskaashiyo kula jirto Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo labadaba dano badan ka hel Itoobiya, waxay dhexda u gelin kartaa inay danaha laga leeyahay Itoobiya ay meel cidlo ah soo dhigaan Soomaaliya, haddii uusan dalku la imaan qorshayaal la isugu diyaarinayo xiisadan oo loo baahanyahay in looga hortaggo feejignaan qoto-dheer.

