Friday, November 14, 2025
HomeWararGudahaSoomaaliya oo sheegtay in taageeradii beesha Caalamka ee yaraatay ay saameyn ku...

Soomaaliya oo sheegtay in taageeradii beesha Caalamka ee yaraatay ay saameyn ku yeelatay kobaca dhaqaalaha Dalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa wareysi uu siiyay CNBC Carabiya ku sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu diiwaangeliyay koboc dhan 4% sanadka 2024, hase yeeshee saadaasha sanadkan 2025 ay hoos ugu dhacday ku dhowaad 1%, arrin uu ku sababeeyay yaraanta taageerada dibadda, taas oo saameyn ku yeelatay xawliga kobaca dhaqaalaha.

Biixi Iimaan Cige waxa uu xusay in dowladda federaalku ay ku howlan tahay xoojinta maamulka maaliyadda, dib-u-habeyn cashuureed iyo mid hay’adeed, si loo kordhiyo dakhliga gudaha oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta maalgelinta muddada fog.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dalka uu sameeyay horumar ballaaran oo ku saabsan dijitalaynta iyo otomaatiga nidaamyada cashuuraha, taas oo keentay in dakhliga gudaha uu kor u kaco in ka badan 80% saddexdii sano ee la soo dhaafay, inkastoo laga bilaabay saldhig dakhli oo hooseeyay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in miisaaniyadda qaranku uu kordhay 24% sannadihii 2024 iyo 2025, balse weli ay jirto baahi weyn oo loo qabo maalgelin caalami ah, iyadoo dakhliga gudaha uu si tartiib tartiib ah u kordhayo sanad kasta.

Dowladda, ayuu yiri, waxay xoogga saaraysaa ballaarinta kharashaadka bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Waxa uu tilmaamay in dakhliga gudaha ee waxbarashada la geliyo uu ka kacay 3% oo noqday 10% saddex sano gudahood, taas oo muujinaysa awood kordhaysa oo dowladda u leedahay maalgelinta mudnaanta horumarineed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay qaadatay hab taageero oo bartilmaameed leh, halkii ay ka isticmaali lahayd gargaarka guud ee aan la kala soocin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe