Maxkamadda derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa la horgeeyay labo askari iyo wade Mooto Fekon oo ku eedeysan in ay dhac ka gaysteen Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo mid kamid ah askartaas oo bam gacmeed qarxiyay sababay dhaawac sarkaal katirsan ciidanka Booliiska.
Askartaan oo la socotay mooto noocda labada lug leh ayaa lagu eedeeyay in ay qaateen in ka badan 4 Telefoon iyaga oo dhacay Macallin Dugsi qur’aan iyo arday, wargelin lala wadaagay Saldhigga Booliiska Ceelasha waxaa suuragashay in lasoo qabtay Raggaan oo gacmaha hay’adaha ammaanka galay sida hadalka loo dhigay.
Mid kamid ah askarta ayaa la sheegay in uu diiday wareejinta qorigii uu watay, markii cadaadis la saaray kaddib waxa uu wareejiyay qorigiisa, balse bam gacmeed ku jirtay booshka qoriga ayuu ka jaray gaanjada waxaana ka dhashay dhaawac soo gaaray sarkaalkii hoggaaminayay ciidanka booliiska ah ee qabtay sida maxkamadda laga hor sheegay.
Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta, Difaaca Qareennada, Dhibbanayaasha, Ciidankii qabtay, Eedeysanayaasha qudhooda iyo Baaraha Kiiskaan wakiilka uga ah Laanta dambi baarista Booliiska ee C.I.D. si ay u hesho caddaymaha dheeraadka ah ay u baahan tahay.
Gunaanadkii, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamaddu go’aan kasoo gaari doonto kiiskaan maadaama ay dhagaysatay Xeer Ilaalinta, Qareennada Difaacaya eedeysanaaysha iyo dhammaan dhinacyada kale ee ku lugta leh kiiska.

