Wararka aan heleeno ayaa sheegaya in Gabar ay fool heysay oo in loo gar gaaro utagtay isbitaalka Banaadir laga soo racdeeyay oo Banaanka xoog loogu soo saaray ay afaafka hore ee Albaabka isbitaalka ku hor umushay .
Arrintan ayaa caro iyo su’aalo badan ka dhalisay bulshada, iyadoo dadweyne badan ku baaqeen in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay hooyadaasi uga umushay bannaanka Isbitaalka Dowladeed ee Banaadir.
Qarashaad la sheegay in ay iska bixin waysay Hooyadaan ayaa keentay in laga saaro Cisbitaalka maadaama ay danyar ahayd.
Maamulka iyo Dhaqaatiirta isbitaalka xita dhiig joojin uma sameynin gabadhaas markii ay dhashay kadib , waana isbitaal ka mid ah kuwii ay laheyd dowladda ee loogu talagalay in shacabka si bilaash ah loogu shaqeeyo .
Haweeneey wadada mareysay ayaa la sheegay in ay gar gaar u fidisay , waxaana halkaas ku saqiiray canugii ay dhashay gabadha oo muddo goobtaas kula rafaadey gar gaar ah deg deg ahna waysay.
Cisbitaalka Banaadir ayaa Dowladda horay waxa ay kaga dhigtay si bilaash ah lagu dabiibo Hooyada iyo Dhallaanka ayaa Dadka taga laga qaadaa Lcago sharci darro ah, falalka nuucaan oo kalena ay la dhaceen dhowr jeer.
Kiisas badan oo Dadka lagu dhibaateeyo iyo kuwa la xiriira iibsiga daawooyinka ayaa ka dhex jira gudaha Cisbitaalkaan sida ay tilmaameen Shaqaalaha Cisbitaalka.
Falkaan oo ka baxsan Sharciyadda Dalka iyo midda Aadanaha ayaa wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay in tillaabo sharci iyo mid maamul ay ka qaadi doonto maamulka Isbitaalka Banaadir.

