Friday, November 7, 2025
HomeWararGudahaJeneraal Odowaa oo daaha ka qaaday Khasaare culus oo ciidamada dowladda kasoo...

Jeneraal Odowaa oo daaha ka qaaday Khasaare culus oo ciidamada dowladda kasoo gaaray dagaalka Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa si lama filaan ah u qirtay in ciidamada dowladda ay la kulmeen khasaare aad u weyn tan iyo markii la bilaabay howlgalka millatari ee lagu qaaday Al-Shabaab sanadkii 2022.

Isagoo hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Jeneraal Odowaa ayaa sheegay in tirada askarta dowladda ee ku dhimatay dagaalka ay u dhexeyso 10,000 ilaa 15,000, isagoo tilmaamay in haddii shacabka loo sheego tirada saxda ah ay noqon lahayd “mid naxdin leh.”

Hadalkan ayaa si weyn u gilgiley baraha bulshada iyo saxaafadda gudaha, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee sarkaal sare oo dowladda ah uu si cad u muujiyo heerka khasaaraha ciidamada qaranka.

“Haddaan idin sheego tirada dhimashada ciidamada dowladda ee howlgalka ku jiray, waxay idinla noqoneysaa wax lala yaabo…. Shuhadada, Naafada iyo howlgabka waxay u dhaxeeyaan 10’000 ilaa 15,000.” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha ka dhawaajiyay gaabiska ku yimid howlgaladii ka dhanka ahaa Kooxda Al-shabaab inay keentey inay qabsadaan ama kusoo dhawaadaan degaano badan oo ay gacanta ku haayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

“Gaabiska yar ee ku yimid howlgalada Argagixisada, waxay isku dayeen in ay soo galan deegaano badan, Miisaaniyada ciidanka kuma jirto dhanka Caafimaadka, runtii arrintaasi aad ayay u liidataa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe