Friday, November 7, 2025
HomeWararGudahaMidowga Yurub oo markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib isku day...

Midowga Yurub oo markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib isku day weerar ka dhan ah Markab shidaal waday

Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeedda ayaa markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib markii koox looga shakisan yahay budhcad-badeednimo ay isku dayeen in ay bartilmaameedsadaan maraakiib ku sugan aaggaas, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah Arbacadii.

Dabley hubeysan ayaa weerartay markab ganacsi oo shidaal sida meel u dhow xeebta Muqdisho Isniintii, iyaga oo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay fuulaan. Waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee looga shakisan yahay budhcad-badeed Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 2024, sida ay sheegeen ilo badeed.

Weerarkan iyo dhacdooyin kale oo la mid ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo marin-badeedka muhiimka ah ee lagu daabulo tamarta iyo badeecadaha la geeyo suuqyada caalamka.

Markab kalluumeysi oo wata calanka Seychelles ayaa sidoo kale toddobaadkan waxaa u soo dhowaaday dooni xawaare sare leh, halka ilo amniga badda ahi sheegeen in markab kalluumeysi oo Iraani ah ay afduubeen dabley aan la aqoon.

Kooxda British-ka ah ee qiimeysa khataraha badda, Vanguard, ayaa sheegtay in ay aad u badan tahay in markabka kalluumeysiga la afduubtay loo isticmaalayo howlaha burcad badeednimada.

Hawlgalka badeed ee Midowga Yurub, Operation ATALANTA, ayaa sheegay in ay ka war hayaan xaaladda isla markaana ay markab dagaal u direen aagga, balse ay diideen faahfaahin dheeraad ah sababo amni dartood.

“Waxaa aad u badan in koox budhcad-badeed Soomaali ah ay ku sugan yihiin badda isla markaana ay ka howlgalayeen meel ka badan 300 mayl-badeed oo u jirta xeebaha Soomaaliya,” ayay tiri shirkadda amniga badda ee British-ka ah ee Ambrey Arbacadii.

Kooxaha budhcad-badeedda Soomaaliyeed ee ka howlgali jiray Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa guud ahaan aan firfircoonayn sanado badan.

Inkasta oo Xuutiyiintu oggolaadeen xabbad-joojin ku saabsan weerarrada ay la beegsanayaan maraakiibta lala xiriiriyo Mareykanka, haddana shirkado badan oo shixnadaha ah weli way ka cabsadaan inay dib ugu laabtaan marinnadaas badeed.

 

Around The Web

Sponsored
Stop Paying Too Much for Your Prescriptions - Compare Prices Today

Stop Paying Too Much for Your Prescriptions – Compare Prices Today

Tired of Cleaning out Your Gutters? Get a Quote Today!

Tired of Cleaning out Your Gutters? Get a Quote Today!

Test Your Hearing From The Comfort of Your Home

Test Your Hearing From The Comfort of Your Home

Access Low-interest HELOC Funds for Your Home Renovation

Access Low-interest HELOC Funds for Your Home Renovation

Is My Space a Good Fit for Airbnb?

Is My Space a Good Fit for Airbnb?

Support Your Neighbors and Get Involved With Food Rescue

Support Your Neighbors and Get Involved With Food Rescue

Get Ready to Rethink Your Workplace Shoe Game

Get Ready to Rethink Your Workplace Shoe Game

Look for Any High School Yearbook, It's Free!

Look for Any High School Yearbook, It’s Free!

Find Local AC and Heating Repair Services

Find Local AC and Heating Repair Services

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe