Friday, June 26, 2026
HomeWararGudahaWararkii ugu Dambeeyay qarax ka dhacay degmada Afgooye

Wararkii ugu Dambeeyay qarax ka dhacay degmada Afgooye

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo labo qof sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Dad ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose .

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday ee waxyeellada kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ka dhacay halkaasi.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa weeraro qaraxyo ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsata ciidamada dowladda  soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe