Wednesday, October 29, 2025
HomeWararGudahaQaar ka mid ah Ganacsiyada Soomaalida dalka Koonfur Afrika oo xiran maalin...

Qaar ka mid ah Ganacsiyada Soomaalida dalka Koonfur Afrika oo xiran maalin afaraad

Waxaa maalintii afaraad xiran inta badan Dukaamada ganacsiga Soomaalidu ku leeyihiin deegaanada kala ah Philippi, Nyanga iyo Khayelitsha oo dhamaantood ka tirsan magaala Xeebeedka Cape town ee dalka Koonfur Afrika.

Xiranaashaha goobaha ganacsiga ee deegaanadan ayaa la xiriirta weeraro isdaba joog ah oo ay Burcada hubaysan ee u dhalatay dalkaas ku qaadeen maalmaahii u dambeeyay goobaha ganacsiga Soomaalida ku leeyihiin sadaxdan deegaan ee Philippi, Nyanga iyo Khayelitsha.

Deegaanadaan waxaa lagu dilay 48 saac gudahood ilaa sadax muwaadin oo Soomaali ah, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay laba muwaadin oo kale, ma jirto cid loo soo qabtay dilalka iyo dhaawaca loo geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Meydadka sadaxda muwaadin ee lagu kala dilay deegaanada Philippi, Nyanga iyo Khayelitsha ayaa Shalay galinkii dambe lagu aasay khabuuraha Muslimiinta ee magaalada Mowbray ee Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika.

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Cape town ayaa saraakiisha Booliiska dalkasd kala hadlay wax ka qabsashada weerarada burcada hubeeysan ay ku hayaan goobaha ganacsiga.

Dhacdooyinkan naxdinta leh ee lasoo darsay Soomaalida ganacsiyada ku leh  deegaanada isku raranka ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay filayeen iney heli doonaan amni iyo nolal ka wanaagsan midii ay dalkooda kaga soo carareen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe