Duqa degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa digniin culus u diray shaqsiyaadka lagu eedeynayo in ay gacan saar la leeyihiin ama taageero dhanka saadka ah siiyaan xubno ka tirsan kooxda Daacish oo hadda dagaal kula jirta ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Bari.
Duqa magaalada Cabdiraxmaan oo khudbad ka jeediyay kulanka amniga ayaa sheegay in maamulku uu tallaabo adag ka qaadi doono cid kasta oo lagu helo in ay gacan siineyso maleeshiyaadka, gaar ahaan kuwa raashinka iyo agabka siiya. Waxa uu xusay in dagaalyahanada Daacish ay hadda inta badan ka jareen taageeradii ay ka heli jireen dibadda, sababo la xiriira howlgalka Hilaac oo socda, kaasi oo lagu go’doomiyay buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan.
“Waxaan digniin cad u direynaa cid kasta oo lagu helo iyadoo Daacish ku gacan siineysa sahay, sharciga si adag ayuu ula macaamili doonaa, sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa odayaasha dhaqanka ee ku sugan goobaha ay howlgallada ka socdaan inay gacan ka geystaan sidii loo ogaan lahaa, loona soo gacan gelin lahaa cid kasta oo gacan saar la leh argagixisada,” ayuu yiri Duqa magaalada Cabdiraxmaan.
Maayarku waxa uu ku booriyay hogaamiyayaasha bulshada iyo cuqaasha beelaha in ay kaalin mug leh ka qaataan caawinta ciidamada amaanka si ay u wadaagaan xogta iyo gacan ka geystaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaadka lagu tuhmaayo in ay gacan siinayaan kooxda.
Laamaha ammaanka ee Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay xabsiga dhigeen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay taageero dhanka saadka ama agabka ah u fidinayeen unugyada Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyadoo ay weli socdaan baaritaano.
Ciidamada Puntland ayaa mudooyinkan dambe xoojiyey howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Daacish ee ku sugan gobolkaasi, iyadoo maamulka uu carabka ku adkeeyay in weerarada socda ay sii socon doonaan inta laga burburinayo shabakadaha kooxdaasi.