Monday, October 13, 2025
HomeWararGudahaSarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Militariga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Militariga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in habeenkii xalay lagu dilay degmada sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Korneel Macalin Cumar Cali, oo 62 jir ahaa, ayaa lagu dilay xaafadda Siciid Rooraaye, qaybta saddexaad ee degmada Dharkenley. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, waxaa dilka geystay labo nin oo hubeysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo si degdeg ah uga baxsaday goobta marka uu falka dhacay.

Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee guriga uu Korneel Macalin Cumar ka deganaa, iyadoo aysan jirin wax jawaab celin ah oo degdeg ah oo laga bixiyey dhinaca hay’adaha ammaanka.

Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in rasaasta laga maqlay xaafadda ay cabsi gelisay dadkii deegaanka, iyadoo ciidamo kooban ay markiiba gaareen goobta si ay baaritaan ugu sameeyaan falka dhacay.

Lama oga illaa hadda cidda ka dambeysay weerarka, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dilka.

Korneel Macalin Cumar Cali ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal howlgab ah balse weli kaalin la taaban karo ku lahaa arrimaha ciidanka iyo la-talin ciidan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe