Saturday, June 6, 2026
HomeWararGudahaDagaal Culus oo Ka Qarxay Xiin-dheere iyo Qaayib ee gobolka Galgaduud

Dagaal Culus oo Ka Qarxay Xiin-dheere iyo Qaayib ee gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka bilowday inta u dhaxeysa deegaanka Xiin-dheere iyo Qaayib.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu u dhexeeyo ciidamada amniga dowlad-goboleedka Galmudug iyo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddooyinkan ku sugnaa degaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

Goobjoogayaal ku sugan nawaaxiga dagaalka ayaa sheegaya in la maqlayo madaxafiic culus iyo rasaas xooggan, taas oo keentay in dadkii deegaanka qaarkood ay ka qaxaan guryahooda si ay uga fogaadaan goobaha dagaalka.

Ilaa hadda lama soo warin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, balse warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay kala gaareen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku jiraan howlgal culus, si loo sugo amniga degaannada u dhow Qaayib iyo Xiin-dheere.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ay maalmihii u dambeeyay ay jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan oo laga dareemayay Galgaduud, taas oo muujineysa in howlgalada amni ee gobolka ay marayaan marxalad cusub

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe