Wednesday, October 8, 2025
HomeWararGudahaPuntland oo 25 Sano oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay...

Puntland oo 25 Sano oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay Kufsiga

Maxkamadda Gobolka Nugaal ayaa maanta 25 sano oo xarig ah ku xukuntay Sharmaarke Xuseen Yuusuf, ka dib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin afduub iyo kufsi uu u geystay saddex dumar ah oo labo ka mid ah ay yihiin gabdho yaryar oo walaalo ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Sharmaarke lagu helay caddeymo iyo qiraal rasmi ah oo muujinaya in uu isagu galay dambiyadan lagu soo eedeeyay. Sidoo kale, waxay tilmaamtay in ninkan uu yahay dambiile caadaystay kufsiga, islamarkaana halis ku ah bulshada.

Warbixinta maxkamadda ayaa intaas ku dartay in Sharmaarke sannadkii 2020, loogu xukumay kiis kufsi ah oo uu u geystay mid ka mid ah dhibbanayaasha kiiskan.

Intaa waxaa dheer, maxkamaddu waxay ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 25 kun oo dollar ah, taas oo loo qoondeeyay dhibbanayaasha tacaddiyada loo geystay. Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunkan uu fariin adag u dirayo cid kasta oo ku dhiirrata falal noocan ah.

Guddoomiyaha maxkamadda, Cabdikariin Maxamed Nuur, ayaa sheegay in eedaysanuhu haysto hal bil oo racfaan ah haddii uusan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda.

Kiiskan ayaa muddo bilo ah dhegaysigiisu ka socday magaalada Garowe, waxaana bulshada si weyn u daneyneysay in cadaalad ay helaan labada gabdhood ee carruurta ah ee la kufsaday, kuwaas oo ka soo jeeda qoys danyar ah oo ay waalidiintoodu u soo dirsan jireen magaalada si ay uga qeyb qaataan nolol-maalmeedka qoysaskooda.

Dambiilaha ayaa bartamihii sanadkan ilmahan ka afduubtay gudaha magaalada, isaga oo kufsi ug geystay. Booliiska ayaa ku guuleystay in ay helaan caddayn laga helay kaamirada waddooyinka ku xir, taas oo horseeday in eedaysanaha la soo qabto maalmo kaddib.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe