Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa mar kale maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo 14 amray in wax laga badalo adeegyada muhiimka ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar gaar ah u kormeeeray qeybaha Garoonka Aadan Cadde, isagoo sheegay inuu jiro farqi weyn oo u dhexeeya maalintii hore iyo hadda, isla markaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.
“Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda garoonka, waxaan imid maanta iyadoo mashiinadii ay shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ay socoto shaqadeedu” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shaqqeeyo hagaajinta System-ka qabooojiyaha garoonka diyaaradaha, iyo in biya macaan ay helaan dadku.