Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa su’aal galiyay hawlgallada milatari ee joogtada ah ee ciidamada difaaca Mareykanka ka wadaan dalka Kenya iyo deriskeeda Soomaaliya.
Isagoo khudbad u jeedinayay saraakiisha sare ee ciidamada Mareykanka, Trump wuxuu sheegay in ka dib tobannaan sano oo Mareykanku ku bixinayay ilaalinta dalal shisheeye, la joogo waqtigii ciidamada difaaca Mareykanka ay diiradda saari lahaayeen cadow gudaha ah oo aan si cad loo magacaabin.
Trump ayaa ku adkeystay in Mareykanku uu wajahayo “duullaan gudaha ah”, taas oo uu ku sheegay xaalad muddo dheer la iska indhatiray oo xitaa ay ku guuldarreysteen inay wax ka qabtaan madaxdii isaga ka horreysay, oo uu ku daray Madaxweyne Joe Biden.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ku jirnaa duullaan gudaha ah, oo aan ka duwanayn cadow shisheeye, balse siyaabo badan uga adag, maxaa yeelay ma xiranayaan dhar ciidan. Haddii ay dhar ciidan xiran lahaayeen, waad qaban lahayd.”
Si uu ula tacaalo waxa uu ugu yeeray “cadowga gudaha”, Trump wuxuu shaaciyay inuu ciidamo u diri doono magaalooyinka qaar ee Mareykanka, oo ay ku jiraan New York, San Francisco iyo Chicago.
Lama oga weli in hadallada cusub ee Trump ay saamayn ku yeelan doonaan ka qaybgalka ciidamada Mareykanka ee howlaha ka dhanka ah argagixisada ee ka socda xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.
Bilihii la soo dhaafay, ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen duqeymo cirka ah iyo hawlgallo door weyn ka ciyaaray yaraynta falalka argagixisada ee Geeska Afrika.
Sidoo kale, Kenya waxay xiriir iskaashi oo ciidan la leedahay Mareykanka muddo dheer, iyadoo sanadkii hore maamulkii Madaxweyne Joe Biden uu Kenya ku daray dalalka aan NATO ahayn ee saaxiibka la ah Mareykanka.
Go’aankaas, oo la ansixiyay bishii May intii lagu jiray booqashadii Madaxweyne William Ruto ee Mareykanka, wuxuu Kenya u horseeday fursado muhiim ah oo ciidan iyo dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, 14 bilood kaddib, maamulka Madaxweyne Trump ayaa bilaabay dib-u-eegis ku saabsan xaaladaas Kenya. Arrintan ayaa timid kadib markii Congressman James Risch uu soo jeediyay wax-ka-beddel lagu sameeyo sharciyada Difaaca Qaranka Mareykanka ee sannadka maaliyadeed 2026.