Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta.
Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli xubnaha Mucaaradka dowladda ay maalmihii la soo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen magaalada Muqdisho, iyagoo doonayay in ay dhigaan Bannaanbax.

