Sunday, November 16, 2025
HomeWararGudahaDowlada soomaaliya oo aqoonsiga qaranka ku xiri doonta qofka doonayo inuu qaato...

Dowlada soomaaliya oo aqoonsiga qaranka ku xiri doonta qofka doonayo inuu qaato baasaboorka Soomaaliga

Baasaboorka Soomaaliya ayaa haatan waxaa haysata in ka badan 10 milyan oo qof, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya. Dadkan ayay dowladdu ku bilaabi doonta baaris, iyadoo la waafajin doono hanaanka cusub ee dhawaan la dhaqan-geliyay

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadkaan aan la ogayn qaabkii ay u heleen baasaboorka, sidaas darteedna ay dowladdu saxayso habka baasaboorada lagu bixiyo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ku dhawaaqay dhaqan-galka qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA, iyadoo la faray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa hadda kadib aqoonsiga qaranka ku xiri doonta qofka doonayo inuu qaato baasaboorka Soomaaliga, taas oo qeyb ka ah dib u habeynta hanaanka qaadashada baasaboorka iyo sugnaanshaha xogta.

“Hay’ad dowladeed ama ganacsi, qofkii fududeeya in aanu dhaqan-galin kaarka aqoonsiga qaranka, ha ogaado waa dambiile qaran. Argagixisada ayuu waddo u fududeeyay, tuugada ayuu waddo u fududeeyay, ajaanib sharci darro ku jooga dalka ayuu u sahlay joogitaankooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Go’aankan oo dhaqan-galkiisa ay dhowr jeer dib u dhigtay dowladdu ayaa haatan si rasmi ah u dhaqan-galaya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe