Sunday, June 28, 2026
HomeWararGudahaDowlada soomaaliya oo xaqiijisay in la dilay Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab

Dowlada soomaaliya oo xaqiijisay in la dilay Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la dilay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda, kadib howlgal qorsheysan oo Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay degaannada Koonfur Galbeed ee dalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Cabdullaahi Abuukar Cali oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka dhaqaalaha, una qaabilsanaa maareynta lacagaha laga qaado dadka rayidka ah iyo isku xirka askareynta carruurta lagu dilay meel u dhow magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

“Abuukar wuxuu ahaa sarkaal muhiim ah oo muddo dheer ka howlgalayay Bakool oo ay maamulayeen Al-Shabaab, wuxuuna ka mid ahaa dadka sida aadka ah loo doondoonayo ee kooxda ka tirsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, fiidkii Axadda.

Wasaaraddu waxay bogaadisay howlgallada guusha leh ee ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo lagu dilay Abuukar, iyadoo sheegtay in howlgallada saxda ah ay meesha ka saareen khatar weyn, isla markaana ay dhabar jab weyn ku noqdeen howlgallada Al-Shabaab ee gobolka.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada huwanta ay dib u qabsadeen deegaanka Istiraatiijiga ah ee Bariire, taasi oo Al-Shabaab ay u adeegsan jireen weeraro Argagixiso oo ka dhaca gobolka iyo magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe