Monday, May 25, 2026
HomeWararDowladda FS Oo Sheegtay inay u diyaarisay Shacabka Muqdisho Basas lagu qaado.

Dowladda FS Oo Sheegtay inay u diyaarisay Shacabka Muqdisho Basas lagu qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay Basas waa weyn oo loogu tala galay in lagu qaado Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho inta ay xiran yihiin Wadooyinka.

Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in la xiri doono Wadooyinka Muqdisho 1- da Luulyo sidaasi darteed si aan loo dhibaateyn Shacabka in la diyaariyay Basas waa weyn oo lacag la’aan ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir  Maxamuud Geele ayaa sheegay in qorshahaan loogu tala galay in Shacabka loogu danaayo, xiliyadda la xirrayo Waddooyinka.

Wasiirka Warfaafinta sidoo kale waxaa uu yahay  Gudoomiyaha Guddiga qabanqaabadda maalmaha xoriyadda, waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay dulqaataan in ay xiran yihiin Wadooyinka.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay keento qorshe Shacabka ay ku raacayaan basaska marka la xiro Wadooyinka.

Shacabka Muqdisho, ayaa inta badan dhibaatooyin kala kulma xirritaanka waddooyinka muqdisho, taasi oo ay dawladdu ugu tala gashay in lagu suggo ammaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe