Thursday, April 2, 2026
HomeWararGudahaRa’iisul wasaare Xamse oo sheegay in Xildhibaanno Ingiriiska ah u ololeynayaan kala...

Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in Xildhibaanno Ingiriiska ah u ololeynayaan kala goynta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay ilaalinta midnimada dalka iyo dad u ku eedeyay in ay u ololeynayaan kala go’a bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo soo hadal qaaday qadiyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay jiraan dad kale oo is qarinaya, balse si hoose ugu ololeynaya guuni isku taag.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka UK ay u ololeynayaan gooni isku taaga Somaliland, isaga oo qurbo joogta Soomaalida ugu baaqay in ay ka hor yimaadan.

“Waxaa yaab leh qurbo joogta Soomaalida in aysan ka hadlin ama ka dhiidhin isku dayga ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK ay u ololeynayaan gooni isku taag” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo hurinta colaadaha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe