Magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Shiikh Abubakar Xasan Maalin, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, isla markaana si weyn looga qadariyo guud ahaan dalka iyo dibeddiisaba.
Shiikh Abubakar ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen boqolaal dadweyne ah. Soo dhaweynta ayaa ahayd mid si weyn loo agaasimay, waxaana ka qeyb galay culimo, odayaal dhaqameed, dhalinyaro, haween iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka iyo bulshada rayidka ah.
Bulshada Cadaado ayaa muujisay jacaylka iyo ixtiraamka ay u hayaan Shiikha, iyagoo garoonka kusoo bandhigay caleemo qoyan, boorar ay ku xardhan yihiin erayo soo dhaweyn ah, iyo suugaan dhaqan oo muujinaya qiimaha uu Shiikhu bulshada ku dhex leeyahay.
Shiikh Abubakar Xasan Maalin ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda kulamo muhiim ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu ugu gudbiyo fariimo diimeed, wacyigelin iyo waano waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

