Friday, October 30, 2026
HomeWararGudahaKhilaafka Puntland iyo DFS oo Kala Qaybiyay Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland

Khilaafka Puntland iyo DFS oo Kala Qaybiyay Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si toos ah u saameeyay xisbiyada siyaasadeed ee Puntland. Qaar ka mid ah xisbiyadan ayaa si buuxda u garab istaagay maamulka Puntland, halka kuwo kalena ay muujinayaan taageero u janjeerta dhinaca Dowladda Federaalka.

Arrintan ayaa horseeday kala qeybsanaan baahsan oo dhexda ka jebisay xisbiyadii Puntland, kuwaas oo hadda u kala jabay laba garab oo kala aragti duwan. Shirkii Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sii huriyay khilaafka, kadib markii xubno sare oo ka tirsan hoggaanka qaar ka mid ah xisbiyada Puntland ay ka qaybgaleen, taasoo dhalisay muran iyo dood ka dhex aloosantay xisbiyadii ay ka tirsanaayeen.

Dhanka kale, qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee Puntland ayaa shirar ku qabtay magaalada Garowe, iyagoo si cad uga hor yimid shirka Muqdisho. Waxay sheegeen in xubnaha ka qayb galay aanay metelin mowqifka rasmiga ah ee xisbiyadooda, isla markaana aysan jirin wax wadatashi ah oo laga sameeyay ka qaybgalkooda.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay HOL ayaa sheegaya in Madaxtooyada Puntland ay cadaadis saarayo xubno ka tirsan xisbiyada si ay xisbiga uga saaraan mas’uuliyiintii ka qayb galay shirkii Muqdisho.

Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo wadatashi ah ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Garowe, iyadoo xisbiyo badan ay ka shirayaan sidii tallaabo mideysan looga qaadi lahaa xubnihii ka qayb galay shirka Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa intii uu socday shirkii Muqdisho sheegay in la qorsheynayo mideynta xisbiyada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xisbiyada Puntland.

Isku soo wada duuboo, inta badan xisbiyada siyaasadeed ee Puntland waxaa hoggaamiya ama aasaasay siyaasiyiin xilal sare ka haya maamulka Puntland, taasoo lagu dhaliilo inay wiiqday doorkii mucaaradnimo iyo xukuumad saxid ee xisbiyada. Tani waxay dhalisay su’aalo laga qabo madax-bannaanida iyo hufnaanta xisbiyadaasi.

Dhawaanna, siyaasiyiin mucaarad ah oo kasoo jeeda Puntland ayaa ku dhawaaqay madal cusub oo lagu magacaabo Madasha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo ku tilmaamay inay tahay madal mucaarad ah oo u taagan sixitaanka qaladaadka maamulka iyo difaaca nidaamka dimuqraadiyadda.

Previous article
Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u bilaabaya howlgaladiisa 1-da Luulyo 2025, isaga oo si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga ee uu wareejinayo hawlgalka ATMIS. AUSSOM ayaa la aasaasay 1-da Janaayo 2025, waxaana oggolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu waddo in howlgalka uu yeesho illaa 12,000 oo askari oo isugu jira ciidamo milatari iyo 680 boolis. Qorshuhu waa in tiradaas si tartiib tartiib ah loo dhimo dhamaadka sanadka 2025. Si kastaba ha ahaatee, AUSSOM waxa uu wajahayaa caqabado dhanka dhaqaalaha ah, isagoo u baahnaa $90.4 milyan intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Juun 2025, balse la helay kaliya $16.7 milyan – taasoo keenaysa in la waayo lacag dhan $73.7 milyan. Si loo helo dhaqaale joogto ah, Qaramada Midoobay ayaa oggolaatay hannaan maalgelin isku dhaf ah oo u oggolaanaya in ilaa 75% miisaaniyadda sanadlaha ah ee AUSSOM laga bixiyo qoondada UN-ka laga bilaabo 1-da Luulyo 2025. Ka hor bilaabashada rasmiga ah ee howlgalka AUSSOM, ciidamada AUSSOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ayaa dib u qabsaday tuulooyin istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab horey u maamulaysay. Hawlgal wadajir ah oo socday saddex maalmood bishii Juun, oo lagu magacaabo “Silent Storm”, ayaa lagu xoreeyay tuulooyinka Anole iyo Sabiid. Bayaanka kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in ujeeddada hawlgalkaasi ahayd “in laga xoreeyo meelaha ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada. Sarreeye Guuto Joseph Ssemwanga, oo ah taliyaha Qeybta Koowaad, ayaa sheegay in Sabiid iyo Anole ay noqdeen goobo istiraatiiji ah tan iyo bishii Maarso, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ka abaabusho weerarro halis ah, ku kaydiso hub iyo gaadiid qaraxyo laga buuxiyay, sidoo kalena ay ka sameysteen baro kontaroolo sharci darro ah.
Next article
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe