Thursday, October 29, 2026
HomeWararGudahaTurkiga oo Soomaaliya ka helay 20 bilyan oo fuusto oo shidaal ah

Turkiga oo Soomaaliya ka helay 20 bilyan oo fuusto oo shidaal ah

Turkiga ayaa Soomaaliya ka helay illaa 20 bilyan oo fuusto oo shidaal ah, xilli ay Ankara wado dadaallo baaris ah oo ay ku raadineyso ilo tamar oo kale oo gobolka Geeska Afrika ah.

 

Sida laga soo xigtay warbaahinta Turkiga iyo Soomaaliya, hawlgallada sahaminta Turkiga ayaa helay kayd lagu qiyaasay ilaa 20 bilyan oo fuusto oo shidaal cayriin ah oo ganacsi ahaan loo heli karo.

 

Iyadoo la sheegay in laba baloog oo ay ka hawlgasho gobolka ay ka soo baxeen wax-soo-saar laxaad leh, haddana qaybta saddexaad ayaa weli la sahaminayaa waxaana la filayaa in uu ku jiro xaddi ganacsi oo ku filan.

Helitaanka kaydka shidaalka ee faraha badan ayaa ku soo beegmaya bil kadib markii Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska badda ee dalka Bariga Afrika; oo hoos taga Shirkadda Shidaalka ee Turkiga iyo Hay’adda Shidaalka Soomaaliyeed.

Inkasta oo heshiiskan lagu tilmaamay mid faa’iido u leh Muqdisho iyo kobcinteeda tamarta, haddana waxa ay dad badani ku dhaliileen heshiis si xad dhaaf ah u xaglinaya Ankara, maadaama uu siinaya hay’adaha tamarta Turkiga boqolkiiba 90 xuquuqda wax-soo-saarka saliidda iyo gaasta Soomaaliya, iyo sidoo kale in hay’adaha Turkiga laga dhaafo inay bixiyaan kharashaadka sare sida gunnooyinka iyo khidmadaha maamulka.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe