Saturday, June 20, 2026
HomeWararGudahaFaahfaahin: Dagaal ka dhacay Degmada Ceeldheer oo lagu dilay xubno ka tirsan...

Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Degmada Ceeldheer oo lagu dilay xubno ka tirsan AS

Wararka ka imaanaya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa Ciidamada deegaanka saakay weerar ku qaaday deegaannada Cali candhoole, Baraag Shiikh Cabdullaahi oo in ka badan 40km u jirta Degmada Ceeldheer halkaasi oo ay saldhigyo ku lahaayeen AS.

Dagaalka ayaa socday ku dhawaad laba saacadood, iyada oo si buuxda ula wareegay goobahii ay ku AS ku sugnaayeen sida lagu qoray warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraayo in weerarkaas looga dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab, iyada oo aan si rasmi ah loo sheegi karin khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaanada ay weerarka ku qaadeen Ciidamada deegaanka ayaa  la sheegay in ay AS ku lahaayeen fariismo oo ay ka ilaalin jirtay Degmooyinka Cowswayne & Galhareer.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe