Sunday, June 7, 2026
HomeWararGudahaCiidamada dowladda oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysanaa ku burburiyay fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ururka 64-aad guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April oo kaashanaayay  ciidanka Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbari weyne.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga guud ee Wanlaweyn.

Saraakiishu maysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalka ay ku burburiyeen Saldhigyada maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahayeen inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbari weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxuu ka mid yahay gobolada ay sida xoogan uga socdaan howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadaya, iyadoo habeen hore kooxdu weerar culus ka geysatay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe