Sunday, June 28, 2026
HomeWararGudahaGolaha wasiiradda oo magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Golaha wasiiradda oo magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Xukumadda Federaalka ay soo jeedisay magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, in uu noqdo Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah AS iyo sidii loo dardar galintiisa.

QORAALADA LA XIRIIRA

6 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe