Monday, August 17, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynaha Turkiga oo Magaalada Ankara kulan gaar ah kula qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka...

Madaxweynaha Turkiga oo Magaalada Ankara kulan gaar ah kula qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa magaalada Ankara kulan gaar ah kula qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga.

Guddoomiye Saadaq Cumar ayaa Madaxweyne Erdogaan u gudbiyay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Erdogaan ayaa dhankiisa bogaadiyay booqashada wafdiga, isagoo ka mahad celiyay taageerada ay muujiyeen iyo shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada Baarlamaan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Fatxudiin Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Turkiga Mudane Cabdiraxiim Fiiraat.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe