Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaQarax baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay deegaanka Garasbaaley.

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhow bar koontarool oo ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ay ku leeyihiin wadada xiriirisa xaafadda Macaani iyo Tareedishe.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa ay la eegteen ciidamo ku sugnaa Koontaroolka.

Saraakiisha dowladda ayaan weli ka hadlin dhacdadan.
Weerarkan ayaa noqonaya kii 3-aad ee 30-kii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo tani ay muujinayso sida ay u soo badanayaan rabshadaha caasimadda. Horaantii bishan, kooxdu waxay dishay in ka badan 37 qof oo rayid ah, 212 kalena way ku dhaawacmeen weerar ay ku qaadeen maqaaxi caan ah oo xeebta ku taal ee Muqdisho.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Geeska Afrika tan iyo markii laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay meel u dhow isgoys suuq mashquul badan bishii Oktoobar 2022, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof, 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe