Saturday, June 20, 2026
HomeWararGudahaMusiibo Ka Dhacday Bartamaha Soomaaliya: Qarax Miino Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

Musiibo Ka Dhacday Bartamaha Soomaaliya: Qarax Miino Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud iyadoo qaraxan uu ka dhashay burbur iyo murugo.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen dadkaan, xilli ay marayeen halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana uu argagax ku abuuray bulshada deegaanka. Ciidamada deegaanka ayaa si deg deg ah uga gurmaday goobta uu dilku ka dhacay, hase ahaatee waxaa durba soo gaaray qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Beesha Mawisleyda oo ka mid ah Maleeshiyo beeleedka deegaanka ayaa durbadiiba la wareegay xaaladda, iyagoo meydka marxuumka soo saaray, isla markaana gurmad u fidiyay dadkii ku dhaawacmay. Waxaa hadda socda baaritaanno lagu xaqiijinayo xogta ku saabsan qaraxan iyo sidii sharciga loo horgeyn lahaa kuwii ka dambeeyay.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa ah mid si weyn u xasuusineysa dhibaatooyinka amni ee ka jira gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo Al-Shabaab ay ka geystaan ​​weeraro iyo qaraxyo, kuwaasi oo ay geystaan ​​khasaarooyin kala duwan.

Xaalada ayaa weli kacsan iyadoo dadka deegaanka ay la daalaa dhacayaan dhibaatada ka dhalatay dhacdadan naxdinta leh.

Iyadoo ay bulshadu ka murugootay geeridii dhallinyaranimo, una baryaysay intii ku dhaawacantay in uu bogsiiyo, ayaa waxaa mar walba soo if baxaysa baahida loo qabo in la kordhiyo tallaabooyinka amniga iyo ka feejignaanta khatarahaas.

La dagaalanka argagixisanimada iyo ilaalinta rayidka aan waxba galabsan waa in ay ahaato mudnaanta koowaad ee dhammaan dhinacyada ku lugta leh.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe