Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa billowday baaritaanno lagu ogaanayo shaqsiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaasi oo ku shaqeysta xirfado caafimaad oo aan heysan aqoonsi sax ah. Baaritaanka ayaa horey loogu soo xiray dhaqtar Soomaali iyo Ajaanib isugu jira oo lagu tuhmay inay ku howlan yihiin wax isdaba marin.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maxamed Xasan Bulaale ayaa shaaca ka qaaday in baadhistan ay waddo hay’ad gaar ah oo u xilsaaran ilaalinta goobaha caafimaadka iyo aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka “Baaritaan aan sameynay ayaa horseeday in la xiro shaqsiyaad ku shaqeynayey xirfado been abuur ah Hay’addan gaarka ah ayaa muhiimad gaar ah u leh soo saarista iyo soo qabashada dadka been abuurka ka dhigay shahaadooyinkooda,” ayuu yiri Bulaale.
Wasiir ku xigeenku waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumadu ay wax ka qabanayso kiisas badan oo ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad dhakhaatiir sheeganaya balse aan lahayn shahaadooyin iyo shahaado ay ku taageerayaan sheegashadooda. “Waxaan hadda baaritaan ku wadnaa dhowr qof oo dalka ka howlgalayay iyagoo aan dhameysan tababarkooda caafimaad ama aan haysan shahaadooyin sax ah ” ayuu Bulaale hadalkiisa ku daray.
Kororka xarumaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay maamulaan dhakhaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaanib, ayaa walaac ka muujiyay tayada iyo sharcinimada adeegyada caafimaad ee loo fidiyo Korodhkan xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayaa keenay su’aalo la xidhiidha doorka Wasaaradda ee hubinta tayada iyo nidaaminta adeegyadan.
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii kor loogu qaadi lahaa la socodka iyo horumarinta hubinta adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaadka si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo in la hubiyo in xirfadlayaal aqoon leh oo kaliya ay ku dhaqmaan dawooyinka Soomaaliya.

