Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ciidamada Booliiska Puntland waxay ku qabteen wiil dhallinyaro ah oo iska soo ekeysiiyay haweeney. Dhacdadani waxay muujinaysaa ka-hortagga hab-dhaqannada loo arko inay yihiin kuwo anshax-xumo ah oo ka dhex jira mujtamaca muxaafidka ah ee Soomaaliya.
Axmed Cali Shire oo 20 sano jir ah ayaa ka howlgali jiray magaalooyinka Garoowe Boosaaso iyo Gaalkacyo isagoo magaciisa lagu sheegay Aniso Cali Shire waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Booliska gobolka Mudug. Maamulka ayaa sheegay in Shire uu muuqaalkiisa u bedelay qof dumar ah, taasoo ka soo horjeeda dhaqanka Soomaalida.
“Ciidanka Booliska Mudug waxay gacanta ku soo dhigeen nin iska soo ekeysiiyay dumarka…Eedeysanaha waxaa soo qabtay Taliyaha Saldhiga dhexe ee Gaalkacyo G/sare Axmed Jaamac Xayir (Raad Goob)” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Mudug. Taliska.
Shire ayaa baaritaan dheeri ah lagu sameyn doonaa waxaana la horgeyn doonaa maxkamadaha ay khuseyso si loogu qaado eedeymaha ku haboon. Xariggaan ayaa qeyb ka ah dadaallada la xoojiyey ee booliiska Soomaaliya ay ku beegsanayaan shaqsiyaadka ku howlan falal loo arko kuwa anshax-xumo ah ama liddi ku ah caadooyinka dhaqanka Soomaaliyeed.
Xarig la mid ah kan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho Axmed Suudi Macow Deeyow oo 30 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in uu iska dhigay haweeney. Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Deeyow, kaasi oo ku xiran Saldhiga Degmada Xamarweyne.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay u heelan yihiin inay ka hortagaan dhaqan kasta oo wax u dhimaya diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka suuban ee umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Booliska ee xariga ka dib.

