Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka ambabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyagoo ku sii jeeday xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada dowladda ayaa loo xilsaaray in ay kala dhexgalaan xiisada dagaal ee u dhaxeysa Maleeshiyo beeleed islamarkaana ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo taasi oo keentay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii ay u soo celin lahaayeen kala dambeyntii Ciidamadan ayaa ka shaqeyn doona sidii xiisadda loo qaboojin lahaa loogana hortagi lahaa qalalaase kale oo ka dhaca gobolka.
Sidoo kale ciidamada xoogga dalka ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabi doona deegaanada dhaca xadka Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada kooxdan, loogana hortago weerarro horay gobolka ugu aafeeyay Faragelinta ciidanku waa tallaabo muhiim u ah sugidda amniga iyo xasilloonida aagga.
Talaabooyinka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli gobollo badan oo dalka kamid ah ay ka taagan yihiin colaad beeleedyo qaarkood ay ka dhaceen dagaallo khasaare geystay.
Joogitaanka ciidanka iyo faragelinta colaadaha xuduudaha iyo ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la filayaa inay keenaan gurmad aad loogu baahan yahay deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday iyo inay gacan ka geystaan dadaallada ballaaran ee lagu sugayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Iyadoo xaaladdu ay sii socoto beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto dowladda Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

