Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan dhacdadii 17-kii bishii July ka dhacday deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose kaasoo sababay dhimashada laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca mid kale. ATMIS oo ka jawaabeysa eedeymaha warbaahinta ee loo jeedinayo ciidamadeeda, ayaa ballan qaaday inay shaacin doonaan natiijada.
“ATMIS waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Buulo Mareer 17kii Luulyo 2024 taas oo ku lug leh khasaaraha laba qof oo rayid ah iyo dhaawac mid kale ” Hawlgalka ayaa ku sheegay war-saxaafadeedka “Hawlgu wuxuu halkan u xaqiijinayaa dhammaan daneeyayaasha in natiijooyinka la soo bandhigi doono si guud.”
ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska ay dhibaatadu saameysey waxayna ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nolosha rayidka. “Ciidamada ATMIS-ka waxaa la tababaray oo la taliyay si ay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Shuruucda Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada militari iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta ” ayaa lagu sii waday qoraalka.
Sida uu sheegay Maadey Jeylaani Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee degmada Kuntuwaarey, ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa gudaha u galay beer ku taalla deegaanka Buulo Mareer iyagoo la kulmay saddex ruux labo ka mid ahna ay dileen Shaqsiga saddexaad ayaa baxsaday inkastoo uu dhaawacmay. “Kadib markii ay toogteen labadaasi shaqsi, ciidamada ATMIS-ka ayaa gowracay, roondo ayay ku jireen raggaan ayay ka shakiyeen” ayuu yiri Cali “Laba bilood ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada ATMIS ku dileen nin beeraley ah oo ka soo laabtay beertiisa.”
Dilalkan ayaa waxa ay dibadbaxyo ka dhigeen deegaanka Buulo Mareer iyadoo tobanaan ka mid ah dadka deegaanka oo u badnaa dhalinyaro ay dalbanayeen cadaalad iyo isla xisaabtan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ATMIS iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadan Shacabka ku dhaqan deegaanka Buulo Mareer iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay la xisaabtamaan ATMIS-ka iyagoo ku andacoonaya in si ula kac ah loo bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah.

