Wednesday, May 6, 2026
HomeWararGudaha10 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

10 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

10 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen deegaan ku dhow Murkudka ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii guutada 39-aad ee guutada 5-aad ee qeybta 27-aad iyo guutada 10-aad ee Kumaandooska ee Gorgor oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ay weerar ku qaadeen deegaanka Murkudka. Hogaamiyayaasha howlgalka ayaa sheegay in 15 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarka, sidoo kalena laga qabsaday hub iyo agabyo kale oo ciidan.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga ciribtirayo gobolka Hiiraan.

Horaantii todobaadkan ayaa dagaal xooggan oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab. Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ugu yaraan toban kale oo ka tirsan Al-Shabaab. Maalintii xigtay, waxay ciidamadu qabteen nin u dhashay Itoobiya oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada oo ka qayb qaatay dagaalkii ka dhacay agagaarka Beerayabaal.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe