Turkiga ayaa lagu wadaa in dhamaadka sanadkan ay u soo dirto Soomaaliya markab sahamin doona shidaal iyo gaas, taasoo qeyb ka ah heshiis iskaashi oo ay labada dal wadaagaan, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa shaacisay maanta oo Khamiis ah.
Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in markabka Oruc Reis Seismic Research Vessel uu bilaabi doono howlgalkan dhammaadka Sebtembar ama horraanta Oktoobar. “Waxaan sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah oo socon karta bilo,” Bayraktar ayaa yiri.
Sahanka ayaa diiradda lagu saari doonaa saddex baloog, oo laba ka mid ah ay qiyaastii 50 kiiloomitir u jiraan xeebaha Soomaaliya iyo tan saddexaad oo qiyaastii 100 kilomitir u jirta xeebaha. “Waxaan rumeysannahay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo dhanka shidaalka ah iyo gaaska dabiiciga ah, heshiiskan, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo dhanka sahaminta iyo soo saarista ah haddii aan shidaal ka helno meelahaas,” ayuu Bayraktar hadalkiisa ku daray.
Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, ka dib heshiis dhanka difaaca ah horaantii sanadka, kaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal. Heshiiskan ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado iskaashiga sayniska, farsamada, iyo ganacsiga ee horumarinta saliidda iyo gaasta, oo ay ku jiraan sahaminta, qiimaynta, horumarinta, wax soo saarka, iyo hawlaha sifaynta batroolka.
Turkiga ayaa ahaa saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya tan iyo 2011, isaga oo bixin jiray gargaar bini’aadantinimo intii lagu jiray abaartii 2011 iyo taageerada miisaaniyada. Sannadkii 2017-kii, Turkiga waxa uu Soomaaliya ka furay xarun ciidan oo weyn oo lagu tababaro ciidamada ammaanka, taasoo xoojinaysa joogitaankeeda gobolka iyo saamaynta ay ku leedahay.
Oruc Reis waxaa taageeri doona koox ka kooban 50 khabiir, shan markab oo dheeraad ah, iyo ciidamada badda ee Turkiga. “Isagoo ku guda jira qaab-dhismeedka istaraatiijiyadeed ee la aasaasay ilaa 2016, waxaan hadda awood u leenahay inaan ku fulino howlahan qalabkeena,” Bayraktar ayaa carabka ku adkeeyay.
Hawlaha sahaminta ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaadhan oo Turkigu uu ku doonayo in uu ku balaadhiyo dadaallada sahaminta tamarta ee Afrika, taas oo muujinaysa awoodda sii kordheysa ee waddanka ee qodista iyo sahaminta xeebaha. Sahanka seismic-ka iyo sahaminta bilowga ah ayaa la filayaa in ay bilaabmaan dhammaadka 2024-ka, iyada oo qodista saliidda xeebaha lagu wado in la bilaabo 2025-ka.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya C/risaaq Maxamed ayaa iftiimiyay qaabka dhameystiran ee heshiiskan, isagoo sheegay in howlaha wadajirka ah aysan kaliya hormarin doonin shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya balse ay sidoo kale faa’iido u yeelan doonaan shacabka Soomaaliyeed dhanka dhaqaalaha. Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah qodobo ku saabsan tababarida iyo qalabeynta ciidamada badda Soomaaliya, kor u qaadista tayada iyo amniga gudaha.

