Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo golaha amniga Qaranka ayaa maanta oo Khamiis ah shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho kaddib markii Isniintii lasoo dhaafay lagu dhacay laba baabuur oo hub ah oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirada Cadaaladda, Gaashaandhigga, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, iyo Amniga Gudaha oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga, Nabad Sugidda iyo Booliska, La-taliyaha Amniga Qaranka. iyo agaasimaha madaxtooyada.
Laamaha Amniga iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa golaha uga warbixiyay hubkii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud Isniin, July 15, 2024
Inta uu socday kulanka ayaa goluhu waxa uu wasaaradda amniga gudaha faray in ay soo gudbiso warbixin faah faahsan iyo talooyin ku saabsan hubka sharci darrada ah ee dalka lagu soo geliyo. Waxa ay ku baaqeen in lala xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah, isla markaana mustaqbalka la qaado tallaabooyin looga hortagayo falalka noocaan oo kale ah. Goluhu wuxuu isku raacay in la dhamaystiro siyaasadda qaranka ee ku aaddan iibsashada hubka, isla markaana si degdeg ah loogu gudbiyo golaha wasiirrada. Waxay kaloo ku heshiiyeen in la mamnuuco iibinta iyo ka ganacsiga hubka. Waxa ay ku booriyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha sharciga in si deg deg ah loo maxkamadeeyo cid kasta oo ku lug yeelata falkan sharci darrada ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo dhaqan galiyo sharciga Xakameynta Hubka iyo Rasaasta, isagoo carrabka ku dhuftay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta Hubka ay asaas u tahay hirgelinta Siyaasadda Dowladda ee Xakameynta Hubka.
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay degmada Caabudwaaq kadib markii ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay ku dagaalameen labo gaari oo hub ah oo si sharci darro ah looga keenay xadka Itoobiya. Shilkan ayaa ka dhacay tuulada Shiilamaow oo qiyaastii 20 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Caabudwaaq, una dhaw xuduudka Itoobiya.
Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay in ciidamada nabad sugidda dowladda ay hubkaasi ka soo qabteen “kuwa sida sharci darada ah uga ganacsanayey hubka” waxaana la sheegay in ay galbinayeen markii maleeshiyaad hubeysan ay isbaaro dhigteen oo ay hubka ka qabteen. Maleeshiyada deegaanka ayaa ka awood roonaaday ciidamada dowladda ka dib markii ay ka heleen ciidamo beeleed, ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.
Hubka ku dhacay gacmaha dadka rayidka ah ayaa isugu jiray qoryaha darandooriga u dhaca ee DshK iyo PKM, qoryaha fudud ee AK-47, bastoolado, iyo rasaas, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka.

