Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah oo waxtar leh la qaatay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Joachim Waern.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo taageerada dowladda Sweden ay Soomaaliya ka siin karto howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Jaamac ayaa ku ammaanay dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay inay gacan ka geysato dadaallada dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, horumarinta iyo dimoqraadiyeynta.
Wasiir Jaamac ayaa Danjire Joachim la wadaagay dadaallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad Goboleedka, Xubnaha Dowladda iyo dadka deegaanka Mawaisley ee gobollada dalka.
Mr. Waern ayaa dhankiisa bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay ka hortagga argagixisada caalamiga ah, waxa uuna qiray horumarka la taaban karo ee laga gaaray amniga dalka ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan ‘Jaamac’ Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay sii wadaan howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lagana xoreynayo Al-Shabaab deegaanno badan, maadaama xoreynta ay guul u tahay Soomaaliya iyo Caalamka.
Dowladda ayaa muhiimad gaar ah siisay amniga, waxaana ay si wadajir ah u bilaabeen olole ay ku doonayaan in maleeshiyaadka looga saaro qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka, iyadoo dib loo soo celinayo joogitaanka dowladda ee gobollada ay Al-Shabaab ka talinayeen tobaneeyo sano iyo ka badan. Ciidamada dowladda federaalka oo ay taageerayaan ciidamo deegaanka ah oo abaabulan oo loo yaqaan Macawisley iyo saaxiibada caalamiga ah ee amniga ayaa hadda qorsheynaya in ay beegsadaan oo ay xoreeyaan deegaano hor leh.
Safiirka Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern ayaa soo dhoweeyay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaalamayso ‘AS’ iyo sida ay u raadineyso taageero caalami ah, waxa uuna ballan qaaday in ay taageeri doonaan qorshaha lagu xoreynayo dalka.

