Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaSaraakiil kormeertay saldhiga furinta hore xaafada Howlwadag ee baladweyne.

Saraakiil kormeertay saldhiga furinta hore xaafada Howlwadag ee baladweyne.

Saraakiil sarsare oo ka kala socday ATMIS, UNSOS, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeeray Saldhiga furinta hore ee xaafada howlwadag ee magaalada Beledweyne ka hor inta aan lagu wareejin Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya.

Wafdigan oo ay hogaaminayeen Madaxa Sahayda ee ATMIS Gaashaanle Sare Maxamuud Xasan iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka XDS ee Gobolka Hiiraan, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Xasan, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxa Xarunta ATMIS ee Hawlgalka Wadajirka ah Maxmillian Oketch & Santosh Koka oo ah Xubin ka tirsan Unugyada Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS.

Saldhigga Orhasan, oo hoos taga taliska ciidamada Jabuuti tan iyo 2011, ayaa istaraatiiji u ah dagaalka lagula jira Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan ee Ku sugan Hiiraan.

Wareejintan ayaa qayb ka ah wejiga sadexaad ee dhimista ciidamada, sida ku cad Qaraarrada Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay UNSC 2628 (2022), 2670 (2022), & 2710 (2023) ee in 4,000 oo askari oo ATMIS ah laga saaro Somaliya ilaa dhamaadka bisha June 2024.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe