Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaAxmed Madoobe Oo Wacad Ku Maray In Ciidamadu Aysan Dib Uga Soo...

Axmed Madoobe Oo Wacad Ku Maray In Ciidamadu Aysan Dib Uga Soo Laaban Doonin Buulo Xaaji

dadka deegaanka Buulo Xaaji ayaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe waxa uu balan qaaday in aysan dib u soo laaban doonin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulkii dhawaan xoreeyay deegaanka.

Booqashada uu ku tagay deegaanka Buulo Xaaji oo 90-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayuu madaxweyne Madoobe kula hadlay dadka deegaanka, wuxuuna ballan qaaday in uu gaarsiin doono adeegyada muhiimka ah ee dowladda ee ka maqan.

“Waxaan saaka idiin imid inaan idiin xaqiijiyo inaanan idinka tagi doonin, waxaadna heli doontaan adeegyada dowladda ee aad mudan tihiin, sida waxbarashada, caafimaadka, helista biyo nadiif ah” ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay deegaanka, “Reer Buulo xaajo dowladu iid ayay u timid, hadda Shabaab ma dacwoon karaan, mana la macaamili karaan”.

Buulo Xaaji ayaa muddo dheer gacanta ugu jirtay Al-shabaab, balse ciidamada dowladda oo ay ku jiraan kuwa Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maalmo ka hor ku guuleystay inay ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Booqashada Madaxweyne Madoobe iyo Ballanqaadkiisa ayaa muujinaya isbedel muuqda oo ka jira gobolka, iyadoo dowladdu ay dooneyso inay sii adkeeyso guulaha ay gaartay, ayna u qabato shacabka Buulo Xaaji oo ay baahi weyn u qabaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe