Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaATMIS iyo Ciidanka XDS oo wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga Gobolka Jubbada...

ATMIS iyo Ciidanka XDS oo wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga Gobolka Jubbada Hoose.

Dhoobley Sareeye Guuto Seif Saalim Rashiid, Taliyaha ATMIS Sector 2, ayaa booqday xerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhoobley Talaadadii, si uu ugala hadlo xeeladaha kor loogu qaadayo ammaanka gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saartay ATMIS. .

Booqashadan, Sarreeye Guuto Rashiid waxa uu xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF) inay “XDS ka taageeraan dadaallada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaanka.”

Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ATMIS iyo ciidamada XDS si loo sugo xasiloonida iyo in shacabka laga ilaaliyo weerarada maleeshiyaadka. Sareeye Guuto Rashiid waxa uu carabka ku adkeeyay in KDF, oo qayb ka ah ATMIS, ay wali u heellan tahay in ay ka caawiyaan SNA si ay u sugaan goobaha muhiimka ah ee ka dhanka ah khataraha Al-Shabaab.

Mid ka mid ah qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay wada-hadallada waxaa ka mid ahaa heshiiskii ahaa in la sameeyo “roondo wadajir ah si loo ilaaliyo xarumaha dadweynaha iyo waddooyinka waaweyn ee saadka (MSRs) ee Jubaland State”. Dadaalkan iskaashiga ah ayaa ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, kor u qaadista xasilloonida amniga iyo dhaqaalaha ee gobolka.

“Iskaashiga ATMIS iyo XDS waa mid muhiim u ah ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Jubbada Hoose. Waxaa naga go’an inaan ka wada shaqeyno sidii aan bulshadeena uga ilaalin lahayn khatarta Al-Shabaab,” ayuu yiri Sareeye Guuto Rashiid.

Ilaalada wadajirka ah ayaa diiradda saari doona meelaha muhiimka ah ee u nugul dhaqdhaqaaqyada xagjiriinta, iyaga oo ujeedadoodu tahay in la baajiyo weerarrada iyo in la siiyo deegaan ammaan ah dadka deegaanka. Hindisahan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarinta nabadda mustaqbalka fog ee gobolka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe