Saturday, July 4, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweynaha Soomaaliya oo dib u habeyn ku sameeyay ciidamada oo sameeyay...

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib u habeyn ku sameeyay ciidamada oo sameeyay afar talis oo cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u habeyn ku sameeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sameeyay afar talis oo cusub si loo kobciyo tayada ciidamada.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqday dib u habeyntan oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo dib loogu habeynayo waaxda difaaca Soomaaliya laguna tayeynayo xirfadda ciidamada qalabka sida. Dib-u-habayntu waxa ay soo bandhigaysaa cutubyo gaar ah oo loogu talagalay in lagu wanaajiyo hufnaanta hawlgalka iyo wax ka qabashada baahiyaha gaarka ah ee milatariga.

Sarreeye Guuto Axmed Cabdullaahi Sheekh ayaa hoggaamin doona taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee XDS, isagoo diiradda saari doona howlgallada halista badan iyo la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan ka hortagga maleeshiyada Al-Shabaab. Gaashaanle Sare Axmed Ciise Axmed ayaa madax u noqon doona Hoggaanka Tababarka Ciidanka XDS, kaas oo u taagan horumarinta xirfadda iyo khibradda shaqaalaha XDS.

Gaashaanle dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa hogaamin doona taliska sahaminta & sirdoonka XDS, kaas oo u xilsaaran ururinta xogaha muhiimka ah iyo samaynta hawlgallada sahanka. Gaashaanle dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa taliye u noqon doona taliska guud ee taakulaynta ciidanka XDS, kaas oo bixiya adeegyada saadka iyo taageerada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe