Saturday, July 4, 2026
HomeWararDibaddaAl-Shabaab oo weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku...

Al-Shabaab oo weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur.

Al-Shabaab ayaa ku garaacay ugu yaraan toban madfac fariisin ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, ciidamada Itoobiya ayaa ku jawaabay madaafiic, balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamada.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu kasoo horjeestay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ciidamada Itoobiya dalka looga saaro marka howlgalka AMISOM uu si rasmi ah u dhamaado bisha December ee sanadka 2024-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Nabiu Tedla ayaa ku nuux nuuxsaday in Itoobiya aysan ka warqabin go’aankan oo kale, isla markaana aysan si rasmi ah ula socodsiin madaxda Soomaalida.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaaday tan iyo 1-dii bishii Janaayo markaasoo Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay gasho badda iyo saldhig milatari oo ay ku beddesho aqoonsiga Somaliland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe