Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labo beelood oo dhawaan ku dagaalamay gobolka Galgaduud ayaa ku heshiiyay ilaa saddex qodob oo ah in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka khasaaraha badan dhaliyay.
Madaxweynaha Galmudug Kaariye oo booqday goobihii lagu dagaalamay ayaa kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa dagaalkaasi oo sababay dhimashada 55 ruux iyo dhaawaca 60 kale.
Saddexda dhinac ayaa ku heshiiyay in xabadda la joojiyo, lana kaashado ciidamada ammaanka. Marka labaad waxay ku heshiiyeen in la kala saaro maleeshiyaadka. Ugu dambeyn, waxaa la isku afgartay in la isku diyaariyo shirka nabadeed ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow, ayaa sheegay in dagaalka dhexmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda labada beelood ee walaalaha ah uu salka ku hayo muran ku saabsan dhul daaqsimeed iyo biyo. Shiikhow ayaa intaa ku daray in dagaalka lagu dilay uu u dhaxeeyay beelaha Dir iyo Mariixaan.

