Saturday, July 4, 2026
HomeWararDibaddaDowladda oo Mudnaanta Koowaad siinaysa Xoojinta Sharciga Deegaanka ee Gobollada lagala wareegay...

Dowladda oo Mudnaanta Koowaad siinaysa Xoojinta Sharciga Deegaanka ee Gobollada lagala wareegay Al-shabaab.

Aidarus Moallim Hassan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa shir-gudoomiyay Shirkii ugu dambeeyay ee Kooxda Shaqaalaynta Farsamo ee Xasilinta ee Wasaaraddaha oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda. Kulanka ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin muhiim ah oo dowladda ka tirsan “si looga wada hadlo horumarka laga gaaray xasilinta iyo dib u soo kabashada hore ee Soomaaliya oo dhan.” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Kalfadhiga waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Mudane. Cumar Xaashi, oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada dawladda ee ku aaddan xasilinta iyo hindisayaasha soo kabashada hore. “Wadashaqeyn wax ku ool ah oo ka dhexeeya dhammaan qaybaha dowladda ayaa muhiim u ah guusha dadaalladayada xasilinta,” Hon. Xaashi ayaa ku nuuxnuuxsaday.

Xubno ka socday wasaaradaha kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha gudaha, waxbarashada, hawlaha guud, caafimaadka, biyaha, gaashaandhigga, iyo amniga gudaha, ayaa warbixin ka siiyay mashaariicda xasilinta iyo ka soo kabashada hore ee ay maamulaan xafiisyadooda. Mashaariicdan ayaa ujeedkoodu yahay in dib loo soo celiyo xasiloonidii gobollada lagala wareegay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Prof. C/llaahi Sheekh Cali oo ah La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku nuux-nuux saday inay lagama maarmaan tahay in la tayeeyo Hay’adaha Booliska ee deegaanka, si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta deegaanada la xoreeyay. “In la sugo shaqada fulinta sharciga maxalliga ah waxay muhiim u tahay xasilloonida iyo amniga gobolladan,” ayuu xusay.

Sarreeye Guuto Madey Nuurey Sheekh, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in laga adkaado Al-Shabaab. “Ciidankeenu si buuxda ayaa loo diyaariyay, waxaana ay ku sugan yihiin jiidaha hore ee dagaalka, waxaana sugaya taliska si uu weerarka u bilaabo. Waxaan hiigsaneynaa in aan ciribtirno Al-Shabaab bishan June gudaheeda,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Sheekh. Tani waxay daba socotaa mudadii halka sano ahayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horaantii sanadkii hore u qabtay in la ciribtiro kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, lana soo afjaro 17 sano oo colaado ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe