Wednesday, August 12, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda gobolka Banaadir oo Dambi ku weysay musuqmaasuq loo heestay masuuliyiin katirsanaa...

Maxkamadda gobolka Banaadir oo Dambi ku weysay musuqmaasuq loo heestay masuuliyiin katirsanaa dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhaw ku dhawaaqday go’aanka kiis musuqmaasuq ah oo loo heestay masuuliyiin katirsanaa dowladda Sooaaliya, kuwaa oo maqane ahaa inta dacwada socotay.

Maxkamadda ayaana wax dambi ah ku weyday, isla markaana bari-yeeshay agaasimayaashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Maxamed Aadan Koofi iyo C/qaadir Cali Cilmi (Cabdul).

Sidoo kale Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dambi isna ku weysay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna dalka maqane ka ahaa, kaddib markii uu baxsaday xilli la doonayay in la xiro.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaana saraakiil kale oo iyana ku eedeysnaa musuqmaasuq dalka ka maqan ku riday xukunno kala duwan, kaddib markii lagu helay qaar kamid ah dembiyadii lagu soo eedeeyay.

Saraakiisha la xukumay ayaana kala ah

1-Maxamed Ibraahim Axmed oo maqane ah waxay ku xukuntay 4 sano oo xarig ah

2-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle 4 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda, maanta ku bariyeeshay masuuliyiinta hore oo muddo dhibane u ahaa eedeynta ay kusoo oogeen xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

10 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe