Friday, August 14, 2026
HomeWararDibaddaTanzania oo balan qaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonto dhanka amaanka.

Tanzania oo balan qaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonto dhanka amaanka.

Tanzania ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan difaaca iyo amniga, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata waddanka cusub ee xubnaha ka ah Bariga Afrika.

Madaxweyne Samia Suluxu Xasan ayaa ballan-qaadkan sameysay ka dib markii ay la kulantay dhiggeeda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay kula kulantay Aqalka Madaxtooyada ee Daarasalaam.
Safiya Suluxu Xasan oo u dhalatay dalka Tanzania oo warfidiyeenka la hadashay ayaa sheegtay in dowladeeda ay diyaar u tahay in ay Soomaalida siiso tababaro la xiriira difaaca iyo dhinacyada kale ee ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada.

Marka laga soo tago dhanka ammaanka, Dr. Samia waxay sheegtay in labada dal ay bilaabeen socdaal ay ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Tanzania sida ay u garab istaagtay xilliyadii adkaa.

Waxa uu xusay in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saaran dalka maadaama uu dalkiisa uu horumar wanaagsan ka sameeyay dhimista deymaha lagu leeyahay.

Booqashada Maxamuud ee Tanzania ayaa noqoneysa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago dalkaas, waana booqashadii ugu horreysay tan iyo markii ay Soomaaliya ku biirtay ururka Bariga Afrika ee EAC.

Waxa uu ka mid ahaa todobada madax ee ka qayb galay xuska sanad guurada 60-aad ee ururka oo lagu qabtay magaalada Daarasalaam.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe