Friday, August 14, 2026
HomeWararDibaddaDawlada Somaliya Oo Soo Dhaweysay War Murtiyeedka G7 Ee Laga Soo Saaray...

Dawlada Somaliya Oo Soo Dhaweysay War Murtiyeedka G7 Ee Laga Soo Saaray Is Afgaradka Itoobiya Iyo Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhawaysay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ee ka dhacay dalka Talyaaniga, kaas oo lagu muujiyay walaaca ku saabsan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 2024.

War-murtiyeedku wuxuu dhiirigelinayaa labada dhinac ee Itoobiya iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay sii wadaan wada-hadallada furan si looga hortago in ay sii xumaadaan, iyada oo lagu boorinayo in ay la shaqeeyaan saaxiibada gobolka ee qaab-dhismeedka Midowga Afrika iyo in ay yeeshaan xiriirro laba geesood ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madax-bannaanida. iyo midnimada dhuleed ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay.

Intii uu socday shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ee ka dhacay magaalada Capri ee dalka Talyaaniga, kaasoo socday intii u dhaxaysay 16-kii ilaa 19-kii April, wasiirradu waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayay ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka, waxayna muujisay sida ay u doonayso inay sare u qaaddo wada-shaqeynta G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada waarta ee Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku cel-celisay in wada-hadallada lala yeelanayo Itoobiya la gaari karo oo keliya marka ay Itoobiya ka noqoto heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujiso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo mabda’a ah in aan la faragelin Soomaaliya.

Horaantii bishan, Soomaaliya ayaa eriday safiirkii Itoobiya, iyadoo ay sare u kacday xiisadda ka dhalatay muranka heshiiska dekedda ee maamulka la baxay Somaliland.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis is afgarad ah 1-dii January ku heshiisay in 20km (12 mayl) oo xeebta ah ee Somaliland laga kireeyo. Heshiiskan ayaa dhigaya in xeebaha ku xeeran dekedda Berbera ee gacanka cadmeed ay Itoobiya u isticmaali doonto muddo 50 sano ah arrimo ciidan iyo ganacsi.

QORAALADA LA XIRIIRA

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe