Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Dawlad goboleedka Hirshabeelle  Muuse Salaad Wehliye ayaa  guddoomiyay kulan looga hadlayay  amniga gobolka Hiiraan oo ay ka qayb galeen Saraakiiil ciidamada  oo ka kala tirsan   Xoogga  dalka , Nabad sugidda iyo Booliska kaas oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan .
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle  Muuse Salaad Wehliye ayaa ugu horreeyn warbixin ku saabsan  amniga Magaalada Baladweyne   iyo Hawlgallada ka dhan ah Alshabaab ka dhageestay saraakiisha amniga  ee gobolkaasi.
Sidoo kale , Guddoomiyaha  Cusub ee gobolka Hiiraan ayaa  soo dhaweeyay dadaalada saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ugu  jiraan Xaqiijinta Amniga ,waxa uuna faray saraakiisha in la xoojiyo qorshaha Sugida Amniga Magaalada Baladweyne, wuxuuna ballan qaaday in maamulka gobolka Hiiraan kaalintiisa uu qaadan doono, isla markaana uu bilaaban doono isla xisaabtan dhab ah si xaaladda jirta wax looga badalo.
Dhawaan ayaa Magaalada Bladweyne Waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaas ee u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan maamul la magac baxay Hiiraan State.

