Tuesday, August 18, 2026
HomeWararDibaddaKoofur Galbeed oo sheegtay in ay feejignaan ka gashay saamaynta ka dhalan...

Koofur Galbeed oo sheegtay in ay feejignaan ka gashay saamaynta ka dhalan karta Roobka Guga.

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay sidii ay u kordhin lahayd feejignaanta la xiriirta saamaynta ka dhalan karta Roobka Guga ee dhowaan la filayo in uu curto sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ka shaqaynta meelaha biyaha xareedda ku hooraan si aanay markale u dhicin daadad saamayn taban ku reebay Dadka halka sidoo kale howlo hagaajin ah ay ka socdaan goobaha biyuhu maraan.

Howshaan waxa ay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed la kaashanaysa qaar kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay si loo sameeyo kahortagga khatarta dhalan karta.

Koofur Galbeed waxa ay kamid tahay Dowlad-Goboleedyada saamaynta taban ku reebeen roobabkii Daadadka watay ee dhowaan ka da’ay Gobollada Dalka, si looga hortago halis kale ayaa loo kordhiyay kulamada mas’uuliyiinta uga arrinsanayaan kahortagga khatarta ka dhalan karta Roobka Guga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe