Monday, May 25, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweynaha Hirshabeelle oo xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Cali Guudlaawe ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan waxaa loogu magacaabay inuu noqdo Muuse Salaad Wehliye.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Muuse Salaad wehliye ayaa Hirshabeelle ka haayay xilka Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada Hirshabeellle.

Xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufuroow ayaa imaaneysa, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ciidanka iyo maamulka Hirshabeelle dagaal saacado badan qaatay looga saaray guud ahaan magaalada Baledweyne.

Lama oga magacaabista guddoomiyaha cusub waxa ay ka badali doonto xaalada magaalada Baledweyne oo ay haatan gacanta ku hayaan gabi ahaanteed ciidamada maamulka la baxay Hiiraan State ee diidan jiritaanka Hirshabeelle.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe