Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweyne Xasan Sheekh oo u safray Ereteriya & Xogta safarkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray Ereteriya & Xogta safarkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa duhurnimadii Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u ambabaxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Asmara kulamo kula qaadan doona dhiggiisa dalkaas Asias Afwerki, iyagoo ka wada hadli doona sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe